News Archive

Gharri Map

Gharri Experience

  SHIrKII MUQDISHO IYO XAABSADE HADALLADII KASOO YEERAY
      Sept. 22, 2005 Qore Goobbe
 
        Khudbaddii xaabsade ka hor  jeediyey kulankii Xubnaha labada gole  muqdisho ee uu ku sheegay; in Daaroodka iyo dad ka soo jeeda ayan doonayn in Magaalada Muqdisho ay noqoto caasimad, ayaa waxay ka cararysiisay Xubnaha Labada Gole ee Daaroodka u dhashay oo shirkaas joogay iyo taageereyaaha shaati gaduud.sababahan awgood:-

        Sidaad waayahan ula socoteenba, waxaa ka socday Tuulada Sarmaan-dhee oo u jirta 40km, Magaalada Baydhabo, wada xaajood la doonayo in lagu dgexdhaxaadiyo Col. Shaati gaduud iyo xaabsade oo Magaalada Baydhabo xoog ku haysto, haddaba iyadoon shirkaas wax natiijo ah kasoo baxin ayuu Xaabsade wuxuu u haluushay Magaalada muqdisho oo ay  ka socoto Olole lagaga horjeedo Dawladda FKM,ee COL. Cabdullahi Yuusuf uu Madaxweyne ka yahay ay kasoo tafaxaytanayso dhanka Magaalada Jowhar oo xaruun u ah.

       Xaabsade Markii uu ka haluulanayay (ka anbabaxayey) magaalada Baydhabo wuxuu warsaxaafadeed ku sheegay inuu  ayidsan yahay Shirkii Magaalada Baraawe ay ku yeesheen kooxdii ( Dhul iyo Dheefdoon ku walaalowday) oo la baxday isbahaysiga Dooxatada(Dooxada) jubba oo loogu wanqalay Maqac u bixinta Maamul cusub oo ay ka dhisanayaan Deegaanna Qowmiyadaha ku nool gobollada; Jubbooyinka hoose dhaxe, Shabeellada Hoose iyo Gobolka Kedi(Gedo) iyo Qodobbo kale.sida Siyaasad, Dhaqaale iyo Ciidan wadaag ah.

       Haddii aan ku soo noqodo Mowduuca qaraalkan, Khudbaddii uu Xaabsade ka akhriyey Kulankii Ladaba Gole ee Dawladda FKM Soomaaliyeed iyadoo;"
Af may-may" ah wuxuu eedda dusha uga tuuray Qowmiyadda Daarood iyo dad Ka Soo jeeda Darrod wuxuuna hadalka u dhigay sida tan: Daarrod iyo shakhsiyaad ka soojeeda daarood ayaan doonayn  in Muqdisho ay caasid noqoto.

        Khudbaddii Xaabsade oo socota ayaa xubnaha Daarood oo kulakaas fadhiyey oo aan garanayn; "
Afka May-mayda" ayaa waxaa dhegahooda ka buuxsamay; arood, daarood,daarood ….. waxayna kala garan waayeen in daaroodka la ammaanayo iyo in la canbaaraynayo, Xildhibaan Jaamac Cali Jaamac iyo Xildhibaan  Jinni Boqqor oo daarood ah  una dhashay Majeerteen hormuudna u ah ragga u ololeeya in muqdisho ay noqoto Caasimadda Qaranka ayaa waxaa rag; "Afka May-mayda" yaqaan hoosta ugu sheegeen in xaabsade uu canbaaraynayo Qowmiyadda Daarood, oo ayan meesha oolin wax ammaan ah.

       
  Markii ay Xaalkii ogaadeen, labada Xildhibaan ayaa waxay hal mar lasoo wada boodeen; Ba' aa, war Eelayga u sheega inuu Daaroodku uwada dhayn arrinkaas sida Qowmiyadaha kale ay yihiin baynu nahay, Tusaale:-

         Cali moxamed Geeddi, Maxamed dheere iyo Cabdullahi sheekh ; soo Hawiye iyo Dir ma aha. Dhinaca kale, Shaati gaduud, Sheekh Aadan Madoobe,Cabdalla Deerow  iyo Saalim Ibro soo Digil iyo Mirifle ma aha, markay Xildhibaannadaasu sidaas ku doodeen raga Kulanka fadhiyey intooda badanna ay garowsadeen inuu Xaabsade Qowmiyadda Daarood meelka dhac ku sameeyey ayaa Xaabsade  Xaajadiisu Xujo ku noqotay; Horaa loo yiri:- God khyaano ha qodin haddaad qoddana ha fogeynin ku dhici doontana ma ogide.

         Barre Huuraale, inkastoo uu la wadaago ragga kale fahim la'aanta ; "Afka May-mayda"  haddana kama uu damqadan sida ragga kale ay Canbaarayntaas uga damqadeen Xataa; Kilmadda Daaroodka kolay ka tahay, waxaana loo qaadan karaa:- Oraahdii ahayd nin dhuusa reebaya ma kaadin karo; maxaa yeelay Barre Huuraaley waxaa ka hor yimid Laba kala daran mid dooro, oo ah sida hoosta ku qoran:-

A- Inuu beerdareeyo kalsoonida isbahaysigiisa Dooxada jubba, oo danwadaag la    ah, Dalladda Isbahaysiga Balcad oo Xaabsade uu Xubin ka yahay.
B- Inuu ka damqado kana dhiidhiyo Aflagaaddada iyo canbaareynta uu dusha uga
Tuuray Xaabsade Qowmiyadda Daarood .

        Wuxuu haddaba Barre Huuraale doorbiday inuu xaabsade Aamunaan ku taageero oo uga go;o Qowmiyaddiisa Daarood, sida Xaabsadeba uga go &;ey Qowmiyaddisa Digil iyo Mirifle, waxaana hubaal ah in xaajadoodu ay noqon doonta &;Hasha labada Geel Jecel; oo laba Qowmiyadoodba ay dhowaan ka tashan doonaan.

         Waaxaa kaloo dareen xoog leh ka abuurmay Qoraalka Xaabsade oo lagu lammanshay Sawirka Wasiirka Wasaaradda Beeraha Xildhibaan Shaati-gaduud laguna agqoray hadal loola jeedo fidmo oo ah; Daarood ama dad ka soo jeeda daarood -Geekii Mariiday- ayaa diiddan yihiin in Magaalda Muqdisho ay noqoto Caasimad&; hadalkanu wuxuu muujinayaa maangaabnimo iyo qar iska tuur uu xaabsade gurubsan doono miraha ka soo dhasha.

       Gunaanadka hadalka,waxaan ku soo koobayaa:- waxaan qabaa, hadalladaas kasoo yeeray Xaabsade iyo khiyaamooyinka uu ku dhaqmayo inay isaga gaa u yihiin,oo aan maenaba suurtagal ahayn in lagu taageero, balse waxaa habboon in laga horyimaad, umana muuqdo ninkaasu nin hanan kara ama matali kara Qowmiyadda Digil iyo Mirifle.

QORE: GOOBBE.

The opinions contained in this articles are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of Africa News Online.