News Archive

Gharri Map

Gharri Experience

Barre Huuraale Hanqaltaaggiisii ku Hungoob  August 21, 2005Qore waa: Goobbe.

       Degmada Ceelwaaq waxaa ka aloosnaa colaad u dhaxaysay Garre iyo marrixaan oo ku salaysan dhulballaarsi uu marrixaanku ku doonayo in uu dagmada clwaaq garre kagala wareego, isagoo horeyba la wareegay Degmooyina DM, ee gobolka Kedi(gedo) ku yaalla sida; Degmada Baardheere, Luuq iyo Doolo.

       Haddaba Dagmada  ceelwaaq waxay noqotay goob dagaaleed,oo arrinteeduna ay fogtahay, maxaa yeelay waxaa la isku haystaa waa arrimaha hoos ku xusan:-             Damac dhulballarsi ah ee uu marrixaanku doonayo inuu dhul uusan lahayn xoog ku qabsado, kaasoo  marrixaanka ku  dhiirrageliyey inuu hadba  si gardarro ah ugu duulo dhul uusan lahayn.

      waxay aamiinsan yihiin in Gobolka Kedi(Godo) dhamaantiis uu yahay dhul marrixaan, Gobolka Kedi(Gedo) dadka DM ee ku nool waxay u arkaan  dad aan xaq ku lahayn Goblkaas oo weligod hoos yimaada Maamulka marrixaan, dhanka siyaasadda,dhaqaalaha iyo arrimaha bulsha intaba.
                                                                                                                                                   Waxaa fulinta arrimahaas kor ku xusan u xilsaara Xildhibaanno ka tirsan DKGka ah isla markaan ah dhagarqabeyaal sare oo ku caan baxay xasuuqa dad aan waxba galabesan,oo ay ku hayeen labada jubbo iyo midka ay haatan ku hayaan Degmada Ceelwaaq iyo nawaaxigeeda kooxdaas uu hor boodayo barre Huuraale waa kuwan hoosta ku qoran:-

     1)    Barre Huuraale. Wasiir ku sheeg dib u dejinta.
     2)    Maxmuud Sayid Aadan Dhicis. Wassir ku sheeg Hantida qaranka.
     3)    Xasan Deyr. Xildhibaan Xilkiisa gabay.
     4)    Axmad ardo.       "                   
     5)    Xasan Faray.       "

     Waxaa haddaba la yaab leh in Gedonet uu maanta oo ay  taariidu tahay 14ka bisha 8aad uu qoray heshiis dhexmaray, Garre iyo marrixaan,oo ku saabsan colaadda ka taagan Degmada Ceelwaaq, waxaa wax lala yaabo ah:-

      Iyadoo dagaalkaasu u dhexeeyo Garre iyo Marrixaan, ayaa waxay warkood beenta iyo kutikuteenka ay ku sheegeen:- in Odiyaal ka socda gobolka waqooyi bari ee dalka Keenya iyo Odiyaal ka tirsan marrixaanku  ay heshiis ku Gaareen Degmada Ceelwaaq,waa been si aan xishood lahayn oo bareer ay ku dhqaaqday "Gedo net" oo inta uu dagaalka garre iyo marrixaaku socdeba u muuqatay "baas abuur".

     waxaa halkan ku cad in uusan jirin wax heshiis ah oo dhexmaray Garre iyo marrixaan oo ku saabsan colaadda ka socota Degmada Ceelwaaq. Suurta galna ma aha inta uu Barre Huuraale oo "laba wejiile)ah, ka amar kutaaglaynayo Aagga Deg. Ceelwaaq,
in Garre iyo Marrixaan uu hesiis dhexmaro.

     waxaa dhab ah Baaqii Afhayeenka Ciidanka Garre  KLA, iyo taliyaha Ciidanka,oo ay ku baaqeen Warka GEDONET inuu yahay waxba kama jiraan, Dadweenahana waxaa looga digaya inayan isku deyin inay dib ugu laabtaan magaalada Ceelwaaq oo qarka u- saaran inuu dagaal ka qaro maalmaha foodda nagu soo haya.

      Waxaan doonayaa inaan wax ka iraahdo hadallada u danbeeyey ee uu ka qoray Garyare  arrimaha Ceelwaaq siiba maqaalka Canwaankiisu yahay,
"NABAD DIID WAA NOLOL DIID" anigoon aad ugu fugaanayn waxaan akhriisteyaasha inay carrabka ku dhejiyaan doonayaa qodobbada hoosta ku qoran:-
         
       1) wuxuu  garyare sheegay, in shirka Ceelwaaq ku dhexmaray Garre iyo Marrixaan dhinaca Garre uu hogaaminayey Ugaas Aadan Ugaas Cali,Fiilow iyo  Guddoomiyaha Degmada Mandheera oo saddexduba ayan joogin meeshaas isagoo ku been abuuranayey ugaaska iyo kuwa kaleba.


       2) Waxuu dad wanaagsan ku tilmaamay Barre Huuraale iyo kooxda uu hoggaaminayo oo Kismaanyo kaga soo duushay degmada Ceelwaaq,una geysatay dhibaato farabadan oo dhimasho,dhaawac iyo barakicin leh, isagoo weliba ismoogaysiinaya in Ragaasu sheeganayaan inay yihiin Xildhibaanno ka kala tirsan labada gole ee DKGka oo weliba uu qabo inay yihiin rag xilkooda si fiican u gutay.

         3) Wuxuu dhaliil iyo eedayn u soo jeediyey Xildhibaannada Garre ee dhulkooda lagu soo duulay oo aan Dagaalka ka qeybqaadan, kuna tilmaamay dad xilkooda gabay oo aan mustaqbalkana la "Dooran doonin" maadaama ay yihyiin dad ka maqan Goobta dagaalka, sida Barre Huuraale iyo Kooxdiisu ay yeeleen.


         4) Wuxuu marwalba wax ka sheegaa "Websaadyada" soo bandhiga Weerarka gardarrada ah ee Dooxatada jubba ay ka waddo Degmada Ceelwaaq, iyagoo haminaya in arrintu ay noqoto mid aan la shaacinin oo" Websaadka Gedonet" keliya loo daayo wixii Ceelwaaq ka socda maadaama Marrixaanku uu leeyahay Gobolka Kedi(Gedo) oo cid kale inay la wadaagto arrimihiisa aan la doonaynin.

         5) wuxuu farta si aad ah ugu fiiqaa Websaadyada QDM,siiba" Websaadka  Buurhakaba" isagoo aad uga xun Jiritaankiisaba ,maadaama Akhriisteyaashiisu aad u farabadan yihiin una arkaan weerarka Degmada Ceelwaaq lagu hayo inuu yahay mid xaqdarro ah oo weliba Xadgudub ku ah Qowmiyadda Digil iyo Mirifle maadaama Degmada Ceelwaaq ay tahay Dhul DM.

         6) Wuxuu "daliishadaa aayado iyo axaadiis" marka ay u muuqato in marrixaanku gacan sarreeyo,markii arrintu dhinac kale isurogto oo tolkiisa in laga gacan sareeyo uu u arkana, wuxuu soo urursanayaa "Gabayo Jacbur "ah ee  uu ku guubaabinayo Tolkiisa sida zamanka Jahliga ah la yeeli jiray(kitaabkana) wuxuu marinayaa dhabarkiisa.
       

        7) Isagoo aad u og sida Dagaalku uga billaabmay Degmada Ceelwaaq, oo ay u caddeyd inuu Marrixaanku isgoon tixgelinin waxyaabaha fararaha badan oo wanaag ah ee qoraalka garyare aan kor ku soo sheegnay ka buuxa sida:- Garre iyo marrixaanku inay yihiin dad derisyada oo dhan isaga wanaagsan, inay yihiin dad 55  dhibaato aan  dhexmarin,dagaalka sokeeyana kala badbaaday,  ayuu inkiray oo yiri dagaalku sida uu ku billabmay ma ogin, isagoo weliba eebbe Magaciisa cuskaday.

        Haddaba ninka sida kor ku xusan ku sifoobay "NABAD MA NAADIN KARA" ?

waxaan doonaya su'aashan jawaabteeda inaan u daayo Akhriisteyaasha,waxaanse anigu leeyahay aayadaha iyo axaadiista uu garyare cuskanayo waa:- KALIMATULXAQ YURAADU BIHAL BAADHILU, hadal la qurxiyana waxaa ka wanaagsan ficil la muujiyo.

                            
maxaa xal u noqon kara Dagaalka Ceelwaaq?

        Sida lawada ogsoon yahay Qoomanku way diriraan, wayna Heshiyaan,waxaana inta   badan heshiiska lagu gaari kara marka la helo garowsho iyo in sifiican carabka lagu dhejiyo arrimo muhim uh wadaxaajoodka iyo in lagaaro nabad buuxda,haddaba waxaa muhim ah in marka hore la ogado maxay Garre iyo Marrixaanku isku ha
ystaan, oo haddii xal loo helo nabadi ku imaan karto? waxay isku haytaan waa sida tan:-

     1) Marrixaanku wuxuu diiddan yahay inay Degmada Ceelwaaq tahy Dhul DM, Garruhuna uu u dhashay. Cidkasta oo soomaali ahna qaabka faraaliga ah ee ummaddu ay ku heshiisay lagula dhaqmayo iyadoo loo kala saarin qabiil.

     2) Degmooyinka DM,ee Gobolka Kedi (Gedo) ku yaalla, Sida Degmooyinka:-
         Baadheere, Luuq iyo Doolo  Garre wuxuu doonayaa inay ka madax bannaanaadaan
         Maamulka Marrixaanka oo ayan Maamulin dooxatada jubba.

     3) Garre wuxuu doonayaa in guud ahaan dhulka DM, dhamaantiisu uusan hoos iman  waxa  ay marrixaanku ku riyoonayaan oo ah "Jubba Laandh", taasoo ay ku doonayan
Dowlad Goboleed uu marrixaanku ka taliyo, sida aan marar nadan u sheegnay.

                                      
Gunaanadka hadalka

     - Heshiisku wuxuu ku iman kara inuu marrixaaku ka waantoobo hanqaltaagga
iyo damaciisa Waalnida ee Dalballaarsiga ku qotoma oo ku ekaadu wuxuu isagu xaq
u lahaa oo keliya.

      - Arrinta Ceelwaaq waxay noqonaysaa, inuu marrixaanku ku ekaado xuduudka Garre iyo marrixanka u dhaxeeya oo maraTuulooyinka:-Dhamasa,Garsaal iyo Buusaar,si loogu kala badbaado Mustaqbalka, loona daayo Garre Degmada Ceelwaaq, iyadoo laga hortagayo Dagaal danbe oo ka dhaca Ceelwaaq oo musiibo horle dhalin kara.

      - Waxaa heshiisku ku iman karaa oo qura marka Barre Huuraale iyo Kooxdiisa ka
soo duushay Kismaanyo ku laabtaan meesha ay ka yiumaadeed iyaga iyo Shisheeyaha
ay soo kiraysteen,oo aan mar kale Faahfaahin dheeraadah ka bixin doono
       
                                             Halkudhigga Garre Waa'
                 "NABAD DIIDIMAYNO DAANDAANSINA DOONIMAYNO"


                                                                                                 

The opinions contained in this articles are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of Africa News Online.