|
|
Cambaareyn ku socota shirka beelaha ku midoobey isbaheysiga dooxada jubba ee ka socda degmada baraweHaddaanu nahay dadweynaha Soomaliyeed ee ku saxiixan warqadaan kana mid ah bulshaweynta Soomaliyeed ee dibedda ku nool ee ka soo jeeda deegaanada Shabeelaha iyo Jubbada Hoose waxaan cambareyn kulul u soo jeedinayna qolooyinka ku shiraya degmada Barawe ee ku bahoobey beelaha sanduliga iyo gumeeysiga ku heysta dhulka iyo dadweeynaha masaakiinta ee nabada Jecel ee ku nool deegaanada koonfurta ee Soomaliya. Shirkaa oo ujeedadiisu tahay in lagu sharciyeesto lahaanshaha dhulka labadaas gobol waxaa lagu sii falanqeynaya sida loo kala qaybsan laha iyo waxa laga yeelaayo dadka hadda ku nool deegaanadaas iyaga ah. Waxaa lagu tala jira in dagaal halkaa laga abuuro si dabadeed loo barakiciyo dadka masaakinta ee ku nool degmooyinka ka tirsan labada gobol. Isla mar ahaanta waxaa la doonaaya in maamuul ay leeyihiin labadaas beelood laga sameeyo degaanadaas. Kharashka ka soo baxa beerashada Drugska, qaadista canshuurta xaqdarada ah, kalumeysiga iyo gubida dhuxusha lagu adkeeyo si jiritaanka gumeysiga cusub ee ka jira labadaas gobol. Sanadahaan dambe deegaanada labada gobol ee koofureed waxaa lagu beera xashiishad fara badan oo loo iib geeyo waddamada Qaarada Afrika, Asiya iyo Europe, lacagta ka soo gashana lagu soo iibyo hub iyo saanad si gumeysiga qabiiliga ah loo sii adkeeyo. Markaad ka reebtid magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, magaalooyinka kale ee hoos yimaada gobolka ma laha iskuulo wax lagu barto, mana la ogola in xitaa laga furo dugsi qur’aan. Taasoo loola jeedo in jahliga lagu haayo carruurta Soomaliyeed oo aan u dhalan labadaa beelood. Dagaalkii sokeeye inta u socdey dadweyne fara badan ee ku noolaa deegaanda koonfurta ayaa lagu khasbey inay ka tagaan tulooyinkooda oo hadda qaarkooda qaxooti ku yihiin Kismayu iyo Xamar. Dadka qaxootiga ku ah waddanka gudihiisa waxay noqdeen mashruuc lacag joogta ah looga qaato hay’adaha Samafalka iyo UN-ka. Tan iyo intii burcada ka tirsan labada beelood la wareegeen maamulka gobolada koonfureed waxyaabaha joogtada ah ee ka dhaca waxaa ka mid ah iska qaadid canshuur xaqdaro ah, dhac iyo jir dil loo geysta dadka tabarta daran. Dadka oo lagu falo beeraha Muuska, iyo xashiishada iyagoon wax lacag ah aan la siinin. Waxaa kaloo joogta u dhacdaa in dadka beerahood markey bislaadaan lagala wareego galeyda ama sisinta ay beerteen. Waxaan halkaan idin ku soo gudbineynaa magacyada qaar ka mid ah madax ku sheega Gobolka Shabeelaha hoose oo dhamaantooda ah shakhsiyaal hal beel ka soo jeeda ee wada dhashey: 1. Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose: Sh. Yusuf Indhacadde 2. Guddoomiyaha degmada Afgooye: Mr. Xuseen Cali Weheliye Cirfo 3. Guddoomiyaha Degmada Qoryooley: Mr. Salaad Cali Koofi 4. Guddomiyaha Degmada Barawe: Mr. Abdullahi Xalane Dhuxulow. 5. Guddoomiyaha Degmada Wanla weyn: Ismail Barre Ganey Kharashka ka soo baxa degmooyinkaan iyo dakhliga garoomada dayaaradaha Lambar 50 iyo Belidogle waxaa iyana loo qeybiyaa odeyaasha kaabo qabiilada iyo inta la xiriirta si ay ku keenan dhalinyaro ka mid noqda ciidamada fulisa falalka dilka iyo argagixisinimada. Sidaa aad dareemi kartaan waxaa ka jira degaanadan dhibaatooyin aad u culus, sida gaajada, cudurka TBga oo dadka baabi’yey iyadoo ay u dheeryihiin waxbarasho la’aan caruurta da’da waxbarashada gaartey iyo nabaadguur ka dhashey xaalufinta dhirta oo loo adeegsado dhuxusha loo iib geeyo UAE. Sanadkii 2002, dhalinyaro isku daydey inay horistaagto jarida dhirta ayaa la soo qabqabtaa oo si naxriis daro ah loo diley ilaa ay ka dhinteen, babadeedna idaacadaha Radiyaasha iyo Tvga ay sameysteen labadaa beelood waxay shacbiga Soomaliyeed u sheegeen inay burcad ahaayen dhalinyaradaa iyaga ah. Waxaa nasiib daro ah in dhibkaan dadka loo geysanayo ay hoogaaminayaan dad mas’uuliyad waaweyn waddanka ka soo qabtey iyo kuwo kale iyaga abuurteen. Haddaba dhamaan dadweynaha Soomaliyeed ee nabad jecel waxaan ka codsanayeena in ay taageero buuxda u fidiyaan walaalahooda Soomaliyeed oo gumeysiga aan weli la arag ku jira. Saxiixyaasha Warqadda 1) Ali
Alio’ Mohamed
|